Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabay Guddoomiye hore Cali Jeyte

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda).

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa loogu magacaabay guddomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan in uu noqdo ninka xafiiska madaxweynaha u qaabilsan ciidamada Macawuusleyda loo yaqaan.

Magacaabistan ayaana daba socotay heshiis horey degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ugu gaareen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cali Jeyte Cusmaan iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Xawaadle.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaana hoggaamin doona ciidamada Macawuusleyda ee dagaalka kula jira Al Shabaab, waxa uuna dhaxeyn doonaa ciidankaasi iyo sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo fariin Hanjabaad ah loo diray xilli uu ku sugan yahay Hiiraan

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo aad ula yaabay Waxii uu kusoo arkay Warshada Hawassa (Sawirro)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dowladaha Islaamka oo amaro cusub ku soo rogtay haweenka aan xijaaban

Caydiid Ali
Taboola Ads ---