Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in gar gaar iyo Dhaqaatiir u direyso Marinka Gaza

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay in ay diyaar u tahay in gar gaar iyo dhaqaatiirba u dirto magaalada la go’doomiyay ee Gaza, haddii la furo marinka Rafax ee kuyaalla xadka Falastiin iyo Masar.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo ka hadlay dibad bax ka dhacay isgooska Soobe ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka diyaar u yihiin in gar gaar iyo dhaqaatiirba u diraan magaalada Gaza.

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka Rafax ee Masar inay u diri doonto gar-gaar ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha reer Gaza” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle.

Guddoomiyaha ayaa ciidamada Yahuudda ku tilmaamay kuwa arxan daran oo xasuuqaya shacabka magaalada Gaza, isagoo sheegay in ay lamid yihiin gumaadka kooxda Al Shabaab ay shacabka Soomaaliyeed ku hayso.

Dowladda Soomaaliya ayaan la ogeyn sida gar gaar iyo dhaqaatiirba ugu diri karto magaalada la go’doomiyay ee Gaza, iyadoona Isreal ay diidan tahay in magaaladaasi iyo dadka ku xayiran gar gaar iyo dawaooyin lala gaaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kaalin intee le’eg ay NISA ku leedahay qorshaha bixitaanka ciidanka AMISOM?

Caydiid Ali

Milatariga Iran oo Jawaab culus hawada u mariyay Mareykanka iyo Isra’iil

Cabdi Cade

Wasiiradii uu magacaabay Xamse intooda badan oo xilalka loo dhaariyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---