Allbanaadir.com
NEWS

DF oo shaacisay in Al Shabaab dhaqaale badan ku bixiyaan hurinta Dagaal beeleedyada

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay kooxda Al Shabaab in ay ka dambeeyaan dagaal beeleedyada ka dhaca gobolada qaar, kuwaa oo ay tilmaameen in Al Shabaab dhaqaale badan ku bixiyaan hurinta colaadaasi.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab dhaqaale ku bixiyaan in colaad beeleedyo laga huriyo deegaannada laga xoreeyo.

Waxa uuna sheegay wasiirka in ujeedka ugu weyn ee kooxda Al Shabaab ka leedahay hurinta colaad beeleedyada in ay tahay sidii looga mashquuli lahaa, waxa uuna uga digay dadka Soomaaliyeed colaada ay kooxdaasi beelaha dhaxdooda ka hurinayaan.

“Shabaab mashuruuc waxay ka dhigteen inay lacag ku bixiyaan qabaa’iladda sidii ay isugu diri lahaayeen inta iyaga lagu mashquuli lahaa ayay rabaa in colaadda lagu mashquulo” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga.

Wasiirka ayaa sheegay in Al Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay howlgalada ka socda gobolada Shabeelaha DHaxe iyo Galgaduud, waxa uuna sheegay in kooxdaasi ka bilaabeen labadaasi gobol hurinta colaad beeleedyo si dagaalkooda looga mashquulo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Puntland oo u jawaabay Midowga Musharixiinta Mucaaradka Soomaaliya

Caydiid Ali

Mareykanka oo yeelanaya Diyaarad dagaal oo nuuceeda dunidda lagu arag !

Cabdi Cade

Shirka Cilmi baarista Injineeriyadda, seyniska iyo tiknolojiyadda oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---