Allbanaadir.com
NEWS

Shirkado laga leeyahay dal Carbeed oo adeegyada Isgaarsiinta gaarsiinaya Qasa

Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawlgala dalka Masar ayaa xaqiijiyey inay adeegyada isgaarsiineed gaarsiin doonaan dadka ku nool magaalladda Qasa ee lagu hayo Duqeymaha, lagana jaray Nooc kasta oo isgaarsiinta casriga.

Afarta Shirkadood ee ugu weyn shirkadaha bixiya adeega telefoonka iyo internetka ee saldhigoodu yahay dalka Masar ayaa kala ah: Vodafone, Telecom Egypt, Etisalat Misr, &e, iyo Orange.

Sarkaal u hadlay shirkadda Isgaarsiinta Vodafone ee Masar ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay taawarada mobaylada geeyaan magaalladda Rafax ee Masar, si ay u daboolaan baahida isgaarsiineed ee 10 KM ee gudaha Marinka Qasa ee Falastiin

Waxa uu intaasi ku daray inay shan taawarada mobaylada diyaar u yihiin in la diro, isagoo xusay in loo baahan yahay inay xiriir sameeyaan labada dhinac ee Masar iyo maamulka Falastiin.

Ilo-wareed kale ayaa xaqiiyey in Shirkadda kale ee Elisalat ee Masar diyaar u tahay inay tiro taawarada mobaylada iyo saldhigyada moobaylada degdega lagu rakibo xuduudka Masar iyo Falastiin, si adeegga isgaarsiinta u helaan dadka ku nool deegaanada Daanta Galbeed ee Falastiin.

Bishan October 27-dii ayey diyaaradaha dagaalka Israel waxay burburiyeen taawaradii isgaarsiinta ee magaalladda Qasa ee go’doonsan, taasi oo keentay inay hawada ka baxaan adeegyada isgaarsiineed ee telefoonka iyo internetka.

W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khilaafkii ka dhex aloosnaa Wasaarada amniga & Maamulka G/Banaadir oo sii xoogeystay

Caydiid Ali

Boqolaal Ciidan ah oo lagu dhex fasaxday Muqdisho & Muxuuse Farmaajo ka damacsanyahay Doorashada!!

admin

Madaxwayne Waare oo khudbadii ugu xiisaha badneyd ka jeediyey Shirka Dhuusamareeb

admin