Hoggaamiyaha Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar ayaa sheegay in kooxdu ay diyaar u tahay iney si deg deg ah heshiis maxaabiis is dhaafsi ula galaan Israa’iil.
“Waxaan diyaar u nahay inaan sameyno heshiis isdhaafsi degdeg ah oo maxaabiista ah oo ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel si loogu beddelo dhammaan maxaabiista aanu heyno,” Sinwar ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.
Waxaa jira 19 xabsi oo ku yaalla Israa’iil iyo mid ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto oo ay ku jiraan kumannaan maxaabiis falastiiniyiin ah. Sida uu dhigayo Axdiga Afraad ee Geneva.
Dhinaca kale, Ugu yaraan 110 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Marinka Gaza ayaa lagu dilay duqeymaha iyo duqeymaha cirka ee Israel tan iyo 7-dii October, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Gaza.
Sidoo kale, in ka badan 100 shaqaale caafimaad ah ayaa ku dhaawacmay, 50 ambalaas ayaa la weeraray, kala bar hadda ma shaqeeyaan 12 isbitaal iyo 46 rugaha caafimaadka aasaasiga ah ayaa albaabada loo laabay sababtoo ah burburka duqeymaha & shidaal la’aanta.