Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo duqeysay saldhigga ciidamada Qaramada Midoobay ee Koonfurta Lubnaan

Madaafiic ayaa lagu garaacay xarunta ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee koonfurta Lubnaan, waana dhacdadii labaad oo noocaan ah tan iyo markii uu dagaal ku dhex maray Israa’iil iyo Xamaas magaalada Gaza.

“Madfac ayaa ku dhacay gudaha saldhigga Naqoura,” ayuu yiri Andrea Tenenti, oo ah afhayeenka ciidamada Qaramada Midoobay ee Lubnaan.

Wuxuu soo sheegay inuusan geysan weerarkaas wax dhaawac ah, marka laga reebo burbur kooban, isagoo raaciyay in UNIFIL ay raadineyso inay xaqiijiso cidda riday madaafiicdan

Ilo-wareed ka tirsan militariga Lubnaan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in madfac ay ciidamada Israel soo rideen uu gudaha u galay darbiga xarunta UNIFIL, iyadoo Israel aysan ka hadlin weerarkan.

Related posts

Booliiska Muqdisho oo gacanta ku dhigay Haweeney dishay Wiil ninkeeda dhalay (Sawirro)

Cabdi Cade

Isimada Puntand oo 8 qodob ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Boosaaso (Akhriso)

Caydiid Ali

Shiikh Shariif iyo wakiilka QM oo ka wada hadlay Saddex qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---