Kumanaan qof ayaa ka qeyb galaya dibad-bax lagu taageerayo shacabka Falastiin oo ka dhacaya magaalada London.
Mudaaharaadkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu weynaa ee ka dhaca caasimadda Ingiriiska
Waxay tani dad badan soo xusuusisay dibad baxyadii waaweynaa ee ka dhacay London 2003-dii kuwaasoo looga soo horjeeday duulaankii Ciraaq..
Cadhada dadwaynaha ayaa hadda ku wajahan dawladda Ingiriiska iyo dawladaha kale ee Yurub ee lagu eedeeyo inay ka dambeeyaan Maraykanka si aan leexleexad lahayn u taageero dawladda Israa’iil iyagoo aan tixgalinayn xuquuqda aadanaha.
Dadku waxay dalbanayaan xabbad-joojin iyo xayiraadaha laga qaado marinka Gaza, iyadoo tani ay muujineyso farqi weyn oo u dhexeeya siyaasadda arrimaha dibadda ee Ingiriiska iyo dareenka dadweynaha.
Maalin ka hor, qareenada sare ee UK garsoorayaasha Maxkamadda sare iyo Xildhibaano ayaa warqad furan u qoray dowladda Ingiriiska taasoo ay ku muujinayaan dareenka dadweynaha waxayna dalbadeen xabbad joojin.
Waxay sidoo kale dalbadeen dawladda Ingiriiska inay joojiso ku xad-gudbida Axdiyada Geneva ee xuquuqul insaanka iyadoo si dhab ah u caawinaysa oo u gacan siinaysa waddan ay rumaysan yihiin inuu si cad u jebiyo sharciga bani’aadamnimada.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku booriyay Israa’iil inay dhegeysato codka guud ee beesha caalamka ayna joojiyaan weerarrada ay ku hayaan marinka Qaza.
“Waxaan ugu baaqaynaa Israa’iil inay dhageysato codka caalamiga ah ee wadajirka ah, joojiso weerarradeeda, ayna nabadda siiso fursad,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo la hadlayey kumanaan qof oo iskugu soo baxay magaalada Istanbul, kuwaasoo diidanaa xad gudubyada qaawan ee Yuhuuda ka wado dhulka Falastiin
Waxaa uu intaas ku daray in haddii aan xal cadaalad ah loo helin dhibaatada Falastiin aan la heli karin nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhacda Bariga Dhexe.
“Awoodda Israa’iil ee ku aaddan dammaanad qaadka ammaankeeda ayaa ah mid aan la gaari karin iyadoo aan xal laga gaarin khilaafka” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan oo ficilada Israel ku tilmaamay kuwo waali ah, isagoo mar kale ku celiyey in Xamaas uusan u aqoonsaneyn argagaxiso.