Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu salka ku hayaa heshiiska ay kala saxiixdeen dalalka Somalia & Sacuudiga? (Daawo Sawirro)

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya H.E  Mohamed Abdullahi Salaad (Oomaar) ayaa Dalka sucuudida ugu qeyb galay Shirka Aasaaska Amniga Hawada Dawladaha Carabta (Regional Aviation Safety Oversight Organisation) kaasoo ay dowladaha xubnaha ka ah ay iska kaashanayaan bad-qabka dayuuradaha isticmaala hawooyinkooda.

Wasiirka oo Kulamo gar gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Saudi Arabia Nabeel bin Mohammed Alamudi iyo  madaxa Shirkadda Saudi Airlines ayaa kulankooda uga hadlay iskaashi labada dal ee dhinaca Duulista.

Mohamed Abdullahi Salaad Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS iyo  Wasiirka Gaadiidka ee  Boqortooyada Saudi Arabia  Nabeel bin Mohammed Alamudi ayaa ugu dambeyn labada dowladood u kala saxiixay heshiis ku saabsan iskaashi dhinaca duulista Hawada labada wadan.

Dowladda Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaa sidoo kale ay kamid tahay wadamada xiriirka dhinaca Diplomaasiyadda la leh Dalka Soomaaliya,kaasi oo ahaa mid soo jireen ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya iyo Jabuuti oo ku loolamaya kursi ka mid ah Golaha Amaanka iyo Kenya oo…

Cabdi Cade

Baarlamaanka Galmudug oo meel mariyay Golaha Wasiirada cusub ee Galmudug

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Afgambi aan shacabka ogayn uu ka dhacay Villa Somalia?

admin
Taboola Ads ---