Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirrada Somalia oo ansixiyey Miisaaniyada sanadka 2024 (Sawirro)

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2024 oo dhan $1,025,687,991 (Hal Bilyan iyo shan iyo laabatan Malyan.)

Miisaaniyadda dowladda ayaa sanadkan gaartay inĀ  ka badan hal Bilyan oo Dollar, taas oo ku timid dakhliga gudaha oo kordhay in ka badan 20%, waxaana ay ahmiyadda saareysaa amniga Qaranka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulanka guddoominayey ayaa sheegay in miisaaniyaddan ay ka tarjumeyso baahiyaha iyo duruufaha dalka, marka dalka deynta laga cafiyo dhammaadka sanadkanna ay sii kordhi doonto, si kor loogu qaado adeegyada ay dowladdu gaarsiinayso bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Kulanka Golaha ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Dhoofka, Shahaadooyinka iyo Astaamaha Tayada iyo Xeer-nidaamiyaha Baaritaanka iyo Xaqiijinta Tayo-dhowrka Badeecadaha dalka soo galaya.

Related posts

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo goor dhow Magacaabay Ra’isul Wasaare cusub

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay qaraxii lala beegsaday shaqaalaha Hormuud

Caydiid Ali

Madaxweyne Ruto oo laalay sharcigii dibed-baxyada xoogan ka dhaliyey Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---