Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay nin Bam ku weeraray

Abshir Mowliid Axmed oo ahaa bamba tuur ka tirsanaa Al-shabaab ayey gacanta ku soo dhigeen ciidanka kumaandoska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab.

Abshir ayaa bam gacmeed ku weeraray xaafad ay degenaayeen saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandoska Danab oo ku taalla magaalada kismaayo,

“Markii uu falkaas gaystay kadib ayuu damcay inuu goobta isaga baxsado balse ciidanka ayaa cayrsaday kana soo saaray xaafad uu ku dhuuntay oo uu islahaa kaga baxso ciidanka” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidanka Danab.

Abshir ayaa hadda waxa uu ku jiraa gacanta ciidanka kumaandooska danab isagoo sheegay iney jiraan bambooyin u kaydsan oo uu damacsanaa inuu falal amni darro oo kale ka gaysto magaalada Kismaayo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Waddo 2-sanno kahor sidaan oo kale xariga looga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Shan qodob oo ka soo baxay kulankii Farmaajo & Madasha Xisbiyada (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo dib uga fiirsaneysa heshiis ay horay ula gashay Itoobiya oo fashil ku dhaw

Cabdi Cade
Taboola Ads ---