Sacuudi Carabiya ayaa uga digay Israa’iil khatarta sii socota ee ka dhal;an karta hawlgallada dhulka ee Gaza.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay bayaan ay ku cambaareysay howlgallada dhulka ee Israa’iil ee khatarta ku ah nolosha dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta.
“Boqortooyada waxay ka digaysaa khatarta sii wadida fulinta xadgudubyadan cad ee aan sabab lahayn ee sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ka dib markii Israel ay ku dhawaaqday howlgallada militari ee Gaza.
Sacuudiga ayaa sidoo u sheegay Mareykanka inuu wax ka qabto ficilada Israel oo uu xusay iney ka dhalan karaan xasilooni daro ku baahda bariga dhexe.
Dhinaca kale, Turkiga ayaa ku booriyay Israa’iil inay dhegeysato codka guud ee beesha caalamka oo ay joojiyaan weerarrada ay ku hayaan marinka Qaza.
“Waxaan ugu baaqaynaa Israa’iil inay dhageysato codka caalamiga ah ee wadajirka ah, joojiso weerarradeeda, ayna nabadda siiso fursad,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ku tiri hadal ay soo saartay.
Waxay intaas ku dartay in haddii aan xal cadaalad ah loo helin dhibaatada Falastiin, aan la heli karin nabad iyo xasillooni waarta oo ka dhacda Bariga Dhexe.
Awoodda Israa’iil ee ku aaddan dammaanad qaadka ammaankeeda ayaa sidoo kale ah mid aan la gaari karin iyada oo aan xal laga gaarin khilaafka, ayay wasaaraddu ku dartay.