Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen iyo Wasiirka Difaaca oo gaaray Diinsoor iyo xogta safarkooda

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ay wehelinayaan Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiirka Qorshaynta iyo mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed, maamulka degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi ayaasi weyn usoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xubnaha la socday.

Safarka Madaxweyne Laftagareen ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda a Al-shabaab iyo wax ka qabashada baahiyaha ka jira degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed oo ku xoogan yihiin kooxda Al Shabaab ayaa la qorsheenayaa in laga bilaabo howlgalo ballaaran oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro goobaha ay ka joogaan gobolada Baay iyo Bakool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor oo saxiixay sharciyaynta degmooyinka cusub oo Galmudug lagu soo daray

Cabdi Cade

Qof caawa lagu dilay Muqdisho & israsaaseyn ka dhacday degmada Balcad

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo ka hadlay Safarka Farmaajo ee Hargeysa iyo sida uu ku yimid kulankii uu Adis Ababa kula qaatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---