Ra’isul Wasaarihii hore ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay dhabar jabintii dowladda Soomaaliya ku sameysay xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, oo u sharaxneyd xilka guddoomiyaha baarlamaanka adduunka.
Kheyre ayaana ugu horeyn hambalyo diiran u diray Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku dayday in ay qabato xilka guddoomiyaha baarlamaanka adduunka, waxa uuna xusay in ay sameysay isku day aad u wannaagsan.
Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in qof walbo oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay in la garab istaago si uu hamigiisa uga miradhaliyo, waxa uuna taasi ku tilmaamay mid sharafta dadka Soomaaliyeed kor u qaadeysa.
Kheyre ayaana nasiib darro weyn ku tilmaamay in xildhibaan Marwo heliweyso taageerada dowladdii ay katirsaneyd, waxa uuna xusay in Marwo laga hiiliyay lagan galay dulmi weyn oo laga damqado.
”Waxaa nasiib darro ah in Xildhibaan Marwo Cabdi ay ka heli wayso dowladda ay ka tirsan tahay xuquuqdii muwaadinnimmo ee ay ku lahayd, in ay ka heshaa ha joogtee in laga hiiliyaana waa dulmi laga galay muwaadin Soomaaliyeed. Xaqiiqatan waa wax laga damqado, hoosna u dhigaya hammiga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jecel in ay dalkooda u adeegaan” Ayuu yiri Kheyre.
Hadalka Kheyre ayaa kusoo aadaya xilli guddoonka golaha shacabka dhabar jabin weyn ku sameeyeen xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo u taagneyd xilka guddoomiyaha baarlamaanka adduunka, waxaana looga hiiliyay musharaxii Tanzania mataleysay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com