Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay xarunta hawlgalka degdega ee caafimaadka dadweynaha gobolka Banaadir.
Dhagax-dhigaan waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha agaasinka caafimaadka gobolka Banaadir ,, guddoomiyaha degmada Xamarweyne iyo maareeyaha Machadka Caafimaadka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.
Xarunta howlgalka degdega ee caafimaadka dadweynaha ayaa ay qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada caafimaadka gobolka Banaadir iyo in ay bulshada helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo munaasabadda dhagax dhiga hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xaruntan la dhisayo loogu tala galay in ay adeegyada caafimaadka ee degdega u qabato dadweynaha kunool caasimadda Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com