Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaannada dowladaha Soomaaliya iyo Angola oo wada shaqeun dhaw yeelanaya

Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa magaalada Luanda kula kulmay Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka dalka Angola Mudane Raul Augusto Lima waxaana ku wahlinayay Xildhibaanada labada golle ee BJFS Xoghayaha Guud Ee Aqalka Sare Xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ugu horeyn Guddoomiye Ku-xigeenka Barlamaanka aalka Angola ugu warbixiyay xaladda Guud ee dalka Soomaaliya, isagoona dhigiisa Angola ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka Angola iyo shirka 147aad Ee barlamaanka adduunka sida ay ugu diyaar garooween martigilinta shirkaan caalimiga ah oo noqonaya Markii ugu horeysay oo wadan Afrcan ah lagu qabto doorashada IPU.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii ay xiriir iyo wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan dalka Angola isla-markaana ay labada baarlamaan iska kaashadaan dhinacyada horumarka.

Sidoo kale Waxaa magalada Luanda ee wadanka Angola ku soo gabagabobay maanta shirkii 147aad ee baarlamanka addunka waxaa lagu doortay Madaxweynaha IPU waxaana ku guuleystay xildhibaan Tulia Ackson una dhalatay dalka Tanzania.

Gabagabadii guddoomiyaha ayaa umahadceliyay dhigiisa Angola soodhaweynta balaaran uu u sameeyay asiga iyo wafdigiisa waxa uuna guddoon siiyay haddiyad uu ka siday jaaliyada Angola, dhankiisa guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Angola ayaa si lamid ah guddoonsiiyay guddoomiyaha haddiyad iyagoona balan qaaday in ay sii xoojin doonaan wadashaqeynta labada baarlamaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Somalia oo sagootin iyo maamuus u sameeyey danjire Hassan Bin Xamsa (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa kala qabsaday Nebi Isxaaq CS iyo labadii Wiil ee u dhalay? (Qiso cajiib ah)

Caydiid Ali

Fiqi oo Ankara u tagay wadahadalka Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---