Allbanaadir.com
NEWS

Da’yar Cilmi doon ah oo safar Baaskiil uga baxay dalka Gini si uu u gaaro Masar

Waxaa ka go’neyd inuu ku biiro Jaamacadda Al-Azhar oo kamid ah ugu mudan dunida Muslimka. Waana sababta ku qaaday Mamadou Safaiou Barry oo ah arday u dhashay dalka Gini inuu baaskiil uga soo baxo dalkiisa ilaa uu ku yimaado dalka Masar.

Sheekada safarkiisa laga yaabee inaysan ugub ahayn. Waxaase cajiib leh inuu baaskiil celis ah oo horay loo isticmaali jiray uu kusoo galay safarkiisa.

25 jirkan ayaa sitay dhar yar, karbuuno iyo qalab yar oo uu ku sameysto baaskiilka marka uu ka ciladoobo. Da’yarkan ma uusan awoodin inuu diyaarad usoo raaco Masar si uu wax uga barto. Doorasho kale oo aan ka ahayn inuu safarka dhulka ah maro uma furneyn.

Muddo dhan 4 bilood ayuu soo jaray fogaan dhan 2,500 oo meyl isaga oo 7 dal kasoo gudbay si uu Masar usoo gaaro. Wuxuu rabay inuu wax-barasho lacag la’aan ah ka helo Jaamacadda al-Azhar, sida ay kusoo warramayso Voice of America.

“Haddii aad riyo leedahay ka dhabee – Allana talo saaro,” ayuu yiri.

Jaamacadda al-Azhar waa midda ugu faca weyn Masar oo ay kasoo qalindaarteen malaayiin Muslimiin ah, waxa ayna kamid tahay jaamacadaha adduunka ugu waxbarasho fiican dad badana meel fog uga tagaan sidii ay wax uga baran lahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xil ka qaadis lagu sameeyay Maxamed Cusmaan Qalaafow (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo xaflad soo dhaweyn ah xalay loogu qabtay Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

admin

Khayre oo hadal muran dhaliyey ka jeediyey Minesota, USA

Caydiid Ali