Diyaaradaha dagaalka ciidamada Isreal ayaa wali duqeymo aan loo meel dayin ku garaacaya magaalada Gaza, waxa ayna halkaasi wali ku dilayaan dad shacab ah oon waxba galabsan ,kuna duminayaan daarihii ay degnaayeen dadkaasi.
War kasoo baxay ciidamada milatariga Isreal ayaa lagu sheegay in ay dileen taliye sare oo katirsanaa kooxda Xamaas, waxa ayna xuseen Israel in uu ninkan kamid ahaa hoggaamiyaasha ugu halista badan kooxdaasi.
Milatariga waxa ay sheegeen in duqeymo ay ku garaaceen diyaaradahooda magaalada Gaza in lagu dilay Shadi Baaruud , waxa ay Israel sheegeen in ninkan ahaa kuxigeenkii madaxa sirdoonka kooxda Xamaas.
Israel waxa ay sidoo kale sargaalkan ay sheegeen in gacantooda ku baxay ku eedeeyeen in uu kamid ahaa raggii sida weyn u abaabulay weerarkii 7-dii bishan Xamaas ku qaadeen gudaha Isreal, kuna dileen dad badan kuwa kalana ku afduubteen.
Milatariga Isreal ayaa marar badan waxa ay sheegeen in ay dileen xubno sar sare oo katirsan kooxda Xamaas, mana jirto ila madax bannaan oo xaqiijiyay sheegashooyinka inta badan ka imaanaya ciidamada Israel.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com