Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Erdogan oo ka shalaayay in uu gacanta ku salaamay Ra’isul Wasaare Caan ah

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa shalayto ka taagan kulan gaar ah uu la qaatay ra’isul wasaaraha Yahuuda Isreal Benjamin Netanyahu, iyo sidoo kale in uu gacantiisa ku salaamay.

Erdogan waxa uu si cad u sheegay inuu ka shalaynayo in uu gacanta ku salaamay ra’isul wasaaraha maamulka Israa’iil mar uu ku sugnaa xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York bishii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, madaxweyne weerar afka ah ku qaaday falcelinta dawladaha reer galbeedka ee ku aaddan weerarka Israa’iil ay ku heyso Qaza, wuxuuna tilmaamay in reer galbeedku aysan wax tallaabo ah qaadin marka dhiigga daadanaya uu yahay kan Muslimiinta.

“Maxaa ku dhacay axdigii caalamiga ahaa ee xuquuqda aadanaha?” ayuu weydiiyey. “ma eegayaan mar haddi aysan danahooda gaarka ah u adeegayn. Sabab? Sababtu waxay tahay dhiigga daadanaya waa ka muslimiinta.” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa horey u sheegay in kooxda Xamaas tahay koox xurnimo doon ah, waxa uuna Israel ku eedeeyay in ay xasuuq u geesaneyso magaalada Gaza ayna leeneyso shacab u badan carruur iyo haween.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga iyo Iran oo yeeshay wadahadalkii u horeeyey muddo afar sano ah

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen RW Khayre & danjire Nicolás Berlanga? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladaha Ruushka iyo Iran oo ka hadlay mustaqbalkooda dalka Suuriya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---