Khubarada Cilmiga Xiddigiska waxay sheegeen in habeen dambe ee bishan October 28-da uu dhici doono Dayax madoobaad, waa sida ay sheegeen, balse, Ilaahay baa og Xaqiiqda waxa dhici kara.
Haddii ay rumowdo Saadaashaasi waxay noqon doontaa inuu yahay Dayax Madoobaadkii Labaad ee la arko sanadkan gudihiisa.
Qeyb ka mid Dayaxa ayaa madoobaan doonto, iyadoo laga arki doono Africa, Europe, Asia, Australia, North America, Northeast South America, Pacific, Atlantic, Indian Oceans, Arctic and Antarctica.
Dalalka Carbeed iyo qaar ka mid ah dalalka Caalamka Kala-bar ayuu Dayaxu madow noqon doonaa habeenka Sabtida ee ay Axadu soo galayso (October 28 ilaa 29).
Waxaa kaloo suurtogal ah in dalalka Carbeed arko Dayaxo oo gebi ahaan Madow wada noqday.
Khubarada waxay saadaaliyeen inuu Dayax madoobaadka bilaaban doono 06:01 daqiiqo ee xilliga GMT ( بتوقيت غرينتش) oo u dhiganta 09:01 ee xilliga Geeska Afrika, ama 08:01 ee xilliga Qaahira (توقيت القاهرة).
Dayax-Madoobaadka waxa uu socon doonaa ilaa 10:27 daqiiqo ee xilliga Greenwich Mean Time (GMT) oo u dhiganta 01:27 ee Saqda Dhexe ee xilliga Afrikada Bari (EAT) waa sida ay Khubarada saadaaliyeen.
Si kastaba, mar sii horeysay ee bilowga bishan October waxay Khubarada Cilmiga Xiddigiska saadaaliyeen inuu Dayax Madoobaadka dhici doono Abaaro 22:01:44 ee xilliga dalka Azerbaijani oo u dhiganta 23:01:44 ee xilliga Afrikada Bari (East Africa Time (EAT)
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com