Dadka deegaanka Maine ee dalka Mareykanka oo argagaxsan ayaa guryahooda ku sugan iyadoo boqolaal booliis ah oo aad u hubeysan iyo FBI-da ay si xooggan u baadigoobayaan Robert Card oo ah nin hubeysan oo 24 saac ka hor 18 qof ku dilay degaankaas kaasoo noqday dilkii ugu xumaa ee taariikhda gobolka.
Inta badan baaritaankii Khamiista ayaa diiradda lagu saaray beer weyn oo uu leeyahay mid ka mid ah qaraabada ninka baxsadka ah oo ku taalla miyiga degaanka Bowdoin, halkaasoo ay buux dhaafiyeen baabuur ay ka buuxaan askar hubeysan oo ka socda FBI iyo hay’ado kale.
“Waxaad u baahan tahay inaad hadda dibadda u soo baxdo adigoo aan waxba gacantaada ku jirin. Gacmahaaga oo hawada ku jira,” ayuu booliisku ku yiri cod-baahiye. hase ahaatee halkaas waxba lagama helin
Dhibanayaasha toogashada waxaa ka mid ah Bob Violette, oo 76 jir ah, hawlgab ahaa oo tababare u ahaa horyaalka kubbadda cagta ee dhalinyarada, waxaana lagu tilmaamay inuu ahaa qof daacad ah, loo dhowaan karo oo naxariis badan.
Xildhibaanka magaalada Auburn Leroy Walker ayaa warbaahinta u sheegay in wiilkiisa, Joe, oo maamule ka ahaa baar uu u dhintay.
Dugsiyada, xafiisyada dhakhaatiirta iyo dukaamada raashinka ayaa la xiray dadkuna waxay ku sugnaayeen guryahooda oo xiran Magaalada ugu weyn gobolka ee Maine.