Waxaa maanta caasimadda dalka Angola ee Luanda ka dhacday doorashada tartanka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka oo sanadkaan markii ugu horreysay ay ka qeyb gashay Soomaaliya.
Tartanka ayaa waxaa sanadkan loo kali yeelay Haweenka kujira Baarlamaanka Afrika, waxaana ku tartamay afar Haween ah oo ay ka mid tahay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa goordhow soo dhamaaday doorashada Tartankii Madaxwaynaha Baarlamaanka adduunka, iyadoo Soomaaliya oo guuldareysatay ay heshay codadka ugu yar.
Waxaa codadka loo kala helay sidatan:
Tanzania 172
Malawi 61
Senegal 59
Somalia 11
Tanzania ayaa sida muuqata noqotay Madaxwaynaha Baarlamaanka adduunka oo heshay 172
“Xildhibaanad Marwo Bashiir oo ku tartameysay magaca Somalia wey dadaashay laakiin Madaxda dowladeeda ayaa lugta ku dhagay oo u diiday inay garab siiyaan” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.
Natiijadan ayaa ku soo beegantay xili saacadihii la soo dhaafay ay baraha bulshada qabsatay warqad uu qoray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) taasoo lagu sheegay in Xildhibaan Marwo Cabdi ay tartanka ka baxday, hase yeeshee Xildhibaannada ayaa sheegtay in warqadaas markii ay aragtay ay fajac ku noqotay, isla markaana aysan jirin inay tartanka ka hartay.
Waxaa ay sheegtay Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir inay tartanka ka qeyb galeyso, balse Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay la xiriirtay uu u sheegay in Madaxda sare ee dowladda Ammar kasoo baxay uu Warqadaasi u soo saaray.
Siyaasiyiin farabadan ayaa ka falceliyay Qoraalka ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee uu ku sheegay in Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir ka hartay tartanka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, waxaana kamid ah xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, isaga oo sheegay hadii ay libin ka keeni weyso Xildhibaannada uu mas’uul ka yahay Gudodomiye Aadan Madoobe.