Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniyeh ayaa ka hadlay khudbad laga sii daayay taleefishinka
Haniyeh waxa uu sheegay in weerarada Israel ee ka socda Qaza ay waxyeelo u keeni doonaan xasiloonida gobolka oo dhan, isaga oo intaa ku daray in aanay cidina saadaalin karin sida ay wax u dhici doonaan.
Labaatan maalmood markii uu socday weerarkii ugu dambeeyay ee Israa’iil, wuxuu sheegay in iska caabinta ay hogaaminayaan guutooyinka Qassam ay sii wadi doonaan weerarada.
Waxa uu xaqiijiyay in iska caabinta Gaza ay si fiican u socoto oo aaney ciidamada Israel ku dhicin iney gudaha u galaan.
Waxaa uu ugu baaqay dowlada Islaamka iyo kuwa carabta inay cadaadis ku saaraan Yuhuuda dariiq kasta si loo joojiyo weerarada joogtada ah ee Gaza.
Waxa uu sheegay in iska-caabbinta ay tahay dhaqdhaqaaqa xoreynta qaran ee doonaya inuu xoreeyo dadkiisa iyo dhulkiisa”. Waa maxay “argagixisada”, ayuu yiri, isla isaga ayaana ka jawaabay oo yiri “Waa kuwa taageera gardarrada iyo kuwa ka aamusa xasuuqa Israel ay geysatay.
Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo furo dhammaan xudduudaha, oo ay ku jiraan marinka Rafax ee Masar, iyo in si shuruud la’aan uu soo soo galo gargaarka aadka loogu baahan yahay.
“Waa wax aan la aqbali karin in cadawgu uu xakameeyo waxa laga rabo iyo waxa aan la gelin karin marinka Gaza”, ayuu raaciyay.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay dadka isugu soo baxay “meel walba” inay sii wadaan kor u qaadista codkooda si ay u dalbadaan joojinta dagaalka Gaza.