Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo shuruudo cusub ku soo rogay Mashaariicda laga fulinayo Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, dhameystirka fariisinta Goleyaasha deegaanka degmooyinka Puntland, Mashaariicda Horumarinta Puntland iyo qodob kale.

Deni wuxuu faray dhammaan Golaha wasiirada in mashaariicda horumarinta ee laga fuliyo Puntland, la waafijiyo siyaasadda Dowladda, Qorshaha horumarinta 5-ta sano ee Puntland iyo Mabaadiida aasaasiga ah ee ay tahay in Mashaariicda horumarintu buuxiso si Puntland looga fuliyo kuwaasi oo kala ah: –

  1. Mashruuca horumarinta ee Puntland laga fulinayo waa in Puntland laga maamulo (PCU)
  2. Qoondada Puntland ee Mashruuca waa in ay ku caddahay heshiiska fulinta
  3. Maamulka iibka (procurement) mashruuca waa in ay masuul ka yihiin Maamulka mashruuca ee Puntland
  4. Hantidhawraha Guud ee Puntland waa inuu masuul ka yahay mashruuc kasta ee ka fulaya Puntland
  5. Lacagta mashruuc kasta waa in lagu maamulo khasnadda mideysan ee Dowladda Puntland (TSA) iyada oo la isticmaalayo Bangiga Dowladda Puntland. Lacgtuna toos ugu soo dhacdo (Fund Flow).

 

Related posts

Maareeyaaha Garoonka Aadan Cadde oo ka hadlay Warqad lagu baahiyay Warbaahinta

Cabdi Cade

Rabshado ka dhacay Masjidka Barakeesan ee Al Aqsa iyo booliiska Israil oo…

Cabdi Cade

Burcad hubeesan oo dhac ka geesanayay Muqdisho oo la qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---