Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mareykanka oo duqeeyey saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Ilaalada kacaanka Iran

Dayuuradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyn la beegsaday goobo lagu keydiyo hubka iyo rasaasta ay isticmaalaan ciidamada Iran.

Weerarka oo xalay la fuliyay ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Abu Kamal ee ku taalla xuduudka Ciraaq, waxaana fuliyay diyaaradaha dagaalka ee F-16.

Weerarkan ayaa jawaab u ah diyaarado aan duuliyaha lahayn oo Maalmihii la soo dhaafay gantaallo ku garaacay saldhigyo milatari oo Ciraaq iyo Suuriya ku yaalla kuwaasoo ay ku dhaawacmeen 21 askari oo Maraykan ah, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.

Askartaan waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud, in kasta oo wararka qaar sheegayaan in qof shaqaale rayid ahaa uu dhintay.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbaheysiga ayaa ugu yaraan 12 jeer lagu weeraray Ciraaq iyo afar jeer oo Suuriya ah, tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Saraakiisha Mareykanka ayaa weeraradan u aaneynaya kooxaha ay taagaeerto Iran ee ka howlgala gobolka. Iran ayaa ku taageerta Xamaas iyo Xisbullah hub iyo sidoo kale dhaqaale.

Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga ilaa 900 oo askari, halka 2,500 ay ka joogaan dalka ay jaarka yihiin ee Ciraaq. Khamiistii, Mareykanka ayaa sheegay in 900 oo askari oo dheeraad ah ay geeyeen gobolka.

Related posts

Ciidamo fara badan oo caawa lagu daadiyey degmooyin ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo magaca ka bedelay mid kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday masuul sare mid cusubna magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---