Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay Jaaliyadda Soomaalida Washington? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada  Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa lawadaageen xaalada guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, iyagoona warbixin ka siiyay nolosha dalka ay ku sugan yihiin.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington.

Waxaa uu u sheegay in dalka uu ka socdo dagaal lagu cirib tiraayo Al Shabaab, waxaana uu Guddoomiyaha jaaliyada reer Washington ku dhiirageliyay inay kaalin mug leh ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo al-shabaab.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxda Aqalka Golaha Wakiilada ee dalka Mareykanka waxayna kawada hadli doonaan arrimaha horumarinta Baarlamanka Soomaaliya, iyo iskaashiga labada Baarlamaan ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

Related posts

Dahab laga dhaxlay boqor caan ah oo qaab xirfadeysan looga xaday Madxaf (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaad ka ogtahay hantida gaarka ah ee Madaxweyne Erdogan & Mushaharkiisa

Caydiid Ali

Tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhaysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---