Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamaas oo shaacisay in konton ka mid ah Maxaabiistii ay Gaza ku hayeen la dilay

Garabka militariga Xamaas ayaa sheegay in ilaa 50 maxaabiis ah lagu dilay weerarrada Israel ka wado magaalada Gaza

War qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda Telegram-ka, guutada Qassam waxay ku sheegeen in ay ku qiyaaseen tirada maxaabiista lagu dilay weerarka Israel ilaa 50.

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in Xamaas ay ku hayaan ugu yaraan 224 maxbuus ah marinka Qaza.

Guutada Qassam ayaa sidoo kale sheegtay in gantaallo lagu garaacay dhanka magaalada Tel Aviv caawa

Waxay in taas ku dartay in gantaallada ay ku garaaceen Tel Aviv ay jawaab u yihiin xasuuqa Sahyuuniyadda ee loo geystay dadka rayidka ah”

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Israa’iil ay dib u cusboonaysiisay duqeymaha ay ku heyso Marinka Gaza, iyadoo dhowr goobood ku garaacday labadii saac ee la soo dhaafay ayna burburisay dhismayaal badan oo la degganaa.

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay dileen ku xigeenkii madaxa sirdoonka Xamaas

Afhayeenka militariga Daniel Hagari ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel lagu dilay Shadi Baaruud.

Hagari ayaa ku eedeeyay Barud inuu la shaqeeyo Yahya Sinwar, oo ah sarkaalka ugu sarreeya Xamaas ee Gaza, qorsheynta weerarkii 7-dii Oktoobar ee Israa’iil.

Sinwar ayaa loo arkaa mid ka mid ah saraakiisha sare ee Xamaas ee ay Israa’iil doonayso. hase ahaatee Garabka hubaysan ee Xamaas, guutada Qassam, isla markiiba ma xaqiijin dhimashada.

Afhayeenka ciidamada Israel ayaa sheegay in duqeymaha dhulka Gaza ay sii socon doonaan

 

Related posts

Ma dhabbaa in R/wasaare Kheyre ka dalbaday xoghayaha xafiiskiisa inuu xilka ka dago.? [WARBIXIN]

admin

Guddoomiye ku-xigeen hore oo isku dhex dilay Xarun dowladeed (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Mahad Salaad oo mar kale ka mid noqday Xildhibanada Golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---