Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sweden oo dalkeeda ka tarxiileysa ninkii ku caan baxay gubida nuqulada Qur’aanka

Sida uu xaqiijiyey madaxa saxaafadda ee Wakaaladda Socdaalka Sweden Jesper Tengroth Ninka nuqullada Qur’aanka mudooyinkan ku gubayey dalkaas Salwan Momika ayaa laga masaafurinyaa doonaa wadanka.

Ninkan ayaa sidoo kale laga mamnuucay inuu dalka Sweden ku soo laabato muddo shan sano ah oo ka bilaabata marka dalkaas laga saaro

“Warbixin khaldan ayuu ka bixiyey sababaha uu ugu baahan yahay badbaadada qofeed ee codsigiisa sharciga, waana taas sababta loo tarxiilayo” ayuu yiri Tengroth.

Caqabado ka jira fulinta amarkan oo jira dartood, sharci ku meel gaar ah ayaa la siiyey laga bilaabo 25-ka Octobar ee sanadkan illaa 16-ka Abriil ee sanadka soo socda 2024.

“Maadaama uu halis ugu jiro in dalkiisa loogu gaysto jirdil iyo tacadiyo ka baxsan bini’aadminnimada, hay’adda Laanta Socdaalku waxay u aragtaa in ay jiraan caqabado. Markaa hadda lama tarxiili doono,” ayuu yiri Jesper Tengroth.

Salman Momika ayaa ka hor yimid go’aankan, isagoo sheegay inuu doonayo inuu racfaan ka qaato go’aankan. “Sweden kama tagaayo. waan ku noolaan doonaa oo ku dhiman doonaa” ayuu yiri Momika oo intaas ku daray inuu tuhunsan ahay inay jiraan gacmo siyaasadeed oo qarsoon oo ka dambeeya go’aankan.

Related posts

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Xassan Shiikh & dhigiisa Erdogan?

Caydiid Ali

Sirdoonka Soomaaliya oo shaaciyay magacyada lix sargaal oo weerar lagu dilay (Akhriso)

Cabdi Cade

Al Shabaab oo War kasoo saartay Qaraxyadii maanta ka dhacay Dhuuso Mareeb

Cabdi Cade
Taboola Ads ---