Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka caalamiga ah ee Inter-Parliamentary Union (Sawirro)

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeybgalay Shirka 147-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” Qeybtisa Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Waxaa qeyb ka ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS Xoghayaha Guud Aqalka Sare Xoghaye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay  Midnimada, Maamul Wanaagga, Maalgelinta, Horumarinta, Isbedelka Cimilada, Dimoqraadiyadda Qodobo kale.

Shirirkaan isdaba jooga ah oo Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow kaga qeybgalayo Dalka Angola waxa uu socon doonaa 27/10/2023 waxaana lafilayaa in uu qudbad dheer ka hor jeediyo ka soo qeyb galayaasha Gabgabada Shirka 147aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union”.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Maxkamada G/Banaadir oo ka farxisay muwaadin Soomaaliyeed oo dulmane ahaa

Caydiid Ali

Shariif Xasan oo Shaaciyay Arin aan dalka horey uga dhici jirin iyo Madasha oo Dowlad kale dhiseysa !!

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Jen. Xijaar iyo Shiikh Shariif? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---