Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Xamse oo Magacaabay Golaha casriyeynta & Isbeddelka Soomaaliya (Magacyada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya, kaasoo looga gol-leyahay in lagu dhiso, laguna  kobciyo isbeddelka horseedaya Horumar waara, isla markaana saldhig u noqon doona Soomaaliya xasiloon, Maamul hufan leh, Dhaqaale ahaanna isku filan.

Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa abuuraya  dadaalo isku dhafan oo ay

qeyb ka yihiin dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda, Dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka, Saaxiibada Caalamiga ah, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka ah, si loo hagaajiyo Maamulka, sare loogu qado Horumarinta Dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha.

Xubnaha  Golaha Hannaanka Casriyeynta iyo Isbeddelka Soomaaliya ayaa ka kooban;

  1. Mudane Biixi limaan Cige, Wasiirka Maaliyadda
  2. Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  3. Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta
  4. Mudane Maxamud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene Beene), Wasiirka Qorshaynta
  5. Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta
  6. Mudane Maxamed Axmed Shekh Cali (Doodishe), Wasiirka Amniga Gudaha
  7. Mudane Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka
  8. Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada
  9. Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  10. Mudane Jaamac Takhal Cabbaas, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta
  11. Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah
  12. Mudane Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
  13. Marwo Khadiija Maxamed Almakhsuumi, Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada

Golahan ayaa waxaa shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa ayna yeelan doonaan Xoghayn ka kooban:

  1. Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr, Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
  2. Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Boolbool), Agaasimaha Golaha Wasiirada ee XRW
  3. Mudane Kamaludin Dahir Xasan, La-taliye, Arrimaha Amniga RW
  4. Cabdirisaaq Cali Ibraahim, La-taliye, Horumarinta iyo Xiriirinta Barnaamijyada ee XRW.
  5. Axmed Cumar Maxamed, La-taliye, Arrimaha Golaha Wasiirada ee XRW
  6. Xasan Cabdulaahi Diiriye, La-taliye, Horumarinta iyo Tayaynta Maamulka Hay’adaha Dowladda ee XRW.

Related posts

Dal Saddexaad oo ku biiray dagaalka culus ee u Dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine

Cabdi Cade

Shacabka Tigrey oo looga digay in ay Qariyaan Hogaamiyaasha TPLF ee baxsadka ah

Cabdi Cade

Kenya oo ka hadashay diyaaradii ku bur burtay Bardaale codsina u dirtay dowlada Somalia

Cabdi Cade