Ciidamada Israel oo wata  taangiyo ayaa weerar dhulka ah oo saacado qaatay ku qaaday waqooyiga magaalada Qaza, millatariga ayaa sheegay, in ay duqeeyeen dhowr bartilmaameed si ay u diyaariyaan goobta dagaalka ka hor duulaan dhulka ah ka dib in ka badan laba toddobaad oo duqeymo ba’an oo cirka ah.
Duulaanka ayaa yimid ka dib markii Qaramada Midoobay ay ka digtay inuu qarka u saaran yahay inuu ka dhammaado shidaalka marinka Gaza, taasoo ku qasabtay inay si weyn u yareyso dadaallada gargaarka ee ka socda dhulkaas, oo sidoo kale ay si buuxda u go’doomiyeen tan iyo markii Xamaas ay qaaday weerarkii uu dhiigu ku daatay ee ka dhacay koonfurta Israa’iil.
Dhimashada Gaza oo kor u dhaaftay 7,000 Khamiistii, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Falastiin, waa wax aan horay loo arag oo ku saabsan colaadda Israel iyo Falastiin ee muddada tobanaanka sano  soo jirtay, Khasaaro nafeed oo intaas ka badan ayaa iman kara haddii Israaâiil ay qaado weerar dhulka ah oo la filayo oo ay doonayso inay ku burburiso Xamaas, oo Gaza xukumaysay tan iyo 2007.
Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza oo ay Xamaas maamusho ayaa sheegtay in in ka badan 750 qof la dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo ka badan 704 qof oo la dilay maalin ka hor.
Milateriga Israaâiil ayaa sheegay inay duqaymo kaliya ku hayaan bartilmaameedyada Xamaas, waxayna ku eedeeyeen kooxdaas inay isku qariyaan dadka rayidka ah ee ku nool magaalada Gaza. Falastiiniyiinta ayaa tan iyo markii uu dagaalka billowday waxa ay gantaallo ku garaaceen Israaâiil.
Israa’iil ayaa wacad ku martay inay burburin doonto awoodda Xamaas ee ah inay maamusho Gaza, iyadoo sidoo kale sheegtay inaysan doonayn inay dib u qabsato dhulkii ay askarteeda kala baxday sannadkii 2005..
Benny Gantz, oo ah jeneraal hawlgab ah isla markaana xubin ka ah golaha wasiirrada Israaâiil, ayaa sheegay in weerar kasta oo suurtagal ah oo dhulka ah uu noqon doono mid qaadan doona sannado, khasaare aan la qiyaasi karina uu ka dhalan doono.
Israel Rear Adm. Daniel Hagari, oo ah afhayeenka milatariga, ayaa sheegay in soo galitaanka xaddidan ee Gaza uu qayb ka yahay diyaargarowga marxaladaha xiga ee dagaalka.
Israaâiil ayaa sidoo kale sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Gaza ka fulisay ku dhawaad 250 weerar oo dhanka cirka ah, kuwaasoo lala beegsaday godad dhulka hoostiisa mara, gantaalada ridada dheer iyo kaabayaasha kale ee Xamaas.
Digniinta ay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, UNRWA, ee ku aaddan shidaal la’aanta ayaa kicisay qeylo dhaan ah in dhibaatada bini’aadantinimo ay si dhaqso ah uga sii dari karto.
Dadka Gaza ayaa waxaa ka dhammaaday cunto, biyo iyo daawo. Qiyaastii 1.4 milyan oo ka mid ah 2.3 milyan oo degganaa Gaza ayaa ka qaxay guryahoodii, iyadoo ku dhawaad kala bar dadkaasi ay buux dhaafiyeen xarumaha Qaramada Midoobay. Boqolaal kun ayaa ku haray waqooyiga Qaza, inkastoo Israa’iil ay ku amartay inay u qaxaan dhanka koonfureed, iyadoo sheegtay in kuwa haray laga yaabo in loo tixgeliyo inay yihiin kuwa lug ku leh Xamaas.
Hase ahaatee QM ayaa ku eedeysay Israel iney duqeymo lagu hoobtay ka fulisay Koonfurta Gaza oo aheyd halkii ay dadka ku amartay iney u qaxaan si ay uga nabad galaan, taasoo ka dhigan ineysan jirin meel amaan ah oo ka tirsan Gaza.
Maalmihii la soo dhaafay, Israaâiil waxay fasaxday in ka badan 60 baabuur oo sida gargaar laga keenay Masar, kuwaas oo shaqaalaha gargaarku ay sheegeen in aanay ku filnayn, isla markaana ay qayb yar ka yihiin wixii la keeni jiray dagaalka ka hor. Israa’iil ayaa wali xannibaysa keenista shidaalka -looga baahan yahay koronto dhaliyayaasha -iyado sheegtay in ay aaminsantahay in Xamaas ay qaadan doonto.
Sarkaal ka tirsan guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay keenaan siddeed baabuur oo ay ka buuxaan sahay caafimaad oo muhiim ah.
HOOS KA DAAWO SAWIRADII U DAMBEEYEY