Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo saxiixay xeer ay soo diyaarisay Wasaaradda Amniga

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ka duulaya hirgelinta hannaan ku dhisan sharci iyo xeerar dowladnimo ayaa maanta saxiixay Xeerka ciiddanka booliska Hirshabelle.

Xeerkan oo soo maray heerar kala duwan ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda Amniga Gudaha, waxaana horey xeerkan usoo ansixiyay mudanayaasha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Munaasabada lagu saxiixayay Xeerkaan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga.

Related posts

Kenya oo isaga baxday Kiiska Dacwadda Badda ee yaala Maxkamada ICJ

Cabdi Cade

Maxay Soomaaliya ka faa’ideysa ka mid noqoshada Dallada EAC? (Akhriso afar qodob)

Caydiid Ali

(Sawirro) Sacuudiga oo 30 sano ka dib Safaaradiisa ka furanaya Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---