Allbanaadir.com
NEWS

Toogasho dad badan lagu laayay oo ka dhacday Mareykanka iyo ninka ka dambeeyay oo…

Nin hubeysan ayaa toogasho dad badan lagu laayay ka geestay goob lagu ciyaaro bowlinka iyo sidoo kale maqaayad oo kutaalla magaalada Lewiston ee gobolka Maine, waxaana baxsad ku jira oo booliiska raadinayaan ninka weerarka geestay oo la aqoonsaday.

Inta la xaqiijiyay 22-qof ayaa lagu dilay toogashada uu geestay ninkan hubeysan, waxa asidoo kale toogashadan lagu dhaawacay dad ka badan 50-qof ,kuwaa oo qoorkood qabaan dhaawacyo halis ah.

Ninka weerarka geestay oo magaciisa lagu sheegay Robert Card oo 40-sanno jir ah ayaa goobta ka baxsaday, waxa ayna booliiska wadaan howlgalo ay si weyn ugu raadinayaan ninkan oo hadda ku sugan meel ka baxsan goobtii uu dadka ku laayay.

Dilaaga weerarka geestay ayaa la sheegay in uu yahay  nin ku xeel arrimaha dhanka hubka oo ay ciidamada Mareykanka ku tababareen magaalada Saco ee gobolka Maine, waxaana ninkan si weyn u yaqaan adeegsiga hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ninka eedeysanaha ah ayaa la sheegay in uu qabo xanuun dhinaca maskaxda ah , waxa uuna ninkan wakhti ku qaatay xarun dhanka caafimaadka dhimirka ah, isagoo horey ugu hanjabay in uu weerar qaadi doono.

Boqolaal katirsan ciidanka booliiska dalka Mareykanka ayaa baadigoobaya ninka toogashada geestay, waxa ayna booliiska shacabka ka dalbadeen in ay ka caawiyaan soo qabashada ninkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhalinyaro Soomaali ah oo rasaas isku weydaarsaday dalka Maraykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

FBI-da Mareykanka oo ka heshay guriga Donald Trump Dukumiintiyo badan oo Sir ah

Cabdi Cade

Shirkadda Somtel oo daah-furtay Xarunta Tababarka Tiknoolujiyada (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade