Allbanaadir.com
NEWS

Tirada Shacabka Falastiin ee lagu laayay duqeymaha magaalada Gaza oo la shaaciyay

Ciidamada arxanka daran ee Yahuuda Isreal ayaa wali duqeymo culus ku garaacaya magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana saacad kasta sii kordhaya tirada shacabka ay dilayaan ciidamada Isreal iyo kuwa dhaawacmaya.

Xog uruurintii ugu dambeysay ee lagu sameeyay khasaaraha rayidka Falastiin kasoo gaaraya duqeymaha ayaa sii kordhaya, xilli laga cabsi qabo in ciidamada Israel duullaan dhinaca dhulka ah ku galaan magaalada Gaza.

Wasiirka caafimaadka maamulka Falastiiniyiinta ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ku hayaan magaalada Qasa ay hadda dhaafeen dad gaaraya 6,500, oo qof.

Dadka ku dhaawacmay duqeymaha ayaa sidoo kale ku dhaw 20-kun oo qof, kuwaa oo qaarkood qaba dhaawacyo halis ah, waxaana adag in dhaawacyada qaar helaan daryeel ku filan maadaama ay xiran yihiin inta badan isbitaallada.

Hay’adaha gargaarka ayaa walaac xooggan ka muujinaya in shaqaalaha caafimaadku aaney ku shaqeyn karin isbitaallo koronto la’aan ah maadama dadka dagaalka ku waxyeeloobaya ay badanyihiin.

Xaalada magaalada Gaza ayaa laga cabsi qabaa in ay kasii darto, kaddib markii ra’isul waaaraha Isreal ku hanjabay in ciidamada Isreal weerar dhinaca dhulka ah ku qaadayaan magaalada Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalkii Dhuusamareeb oo sii xoogeystay iyo ciidamada ATMIS iyo kuwa Gorgor oo..

Caydiid Ali

Midowga Musharixiinta oo ka hadlay waxyaabihii ka dhacay Golaha shacabka

Caydiid Ali

Jadwalka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland oo lasoo saaray

Cabdi Cade