Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidan loo diyaariyey la dagaalanka Al-shabaab oo lagu soo bandhigay Washaaqo

Maamulka Koonfur Galbeedka ayaa maanta degaanka Washaaqo ee gobolka Bakool ku soo bandhigey ciidanka dadka deegaan ah oo ka qeyb galaya dagaalka Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha gobolka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool  Mudane Xasan Maxamed Xasan indho iyo Odayaasha Dhaqanka Deegaanka ayaa abaabul ka bilaabay Deegaanada, Washaaqo, Dhuurey iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Bakool.

Shacabka degaanadaas ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka Wajiga 2 aad ee Ciribtirka Kooxda Argagaxisada Al-shabaab oo ka socda deegaanada Koofur Galbeedka.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh oo dhowaan booqday gobolada Bay iyo Bakool ayaa ku booriyey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Koonfur galbeed iney ka qeyb qaataan howlgalada dalka looga saarayo Al-shabaab.

Related posts

(Sawirro) Isaaq Max’uud Mursal oo u Mahad celiyey danjiraha Shiinaha ee Somalia

Caydiid Ali

Xoogaga Xisbullah oo duqeeyay kolonyo ay wateen Ciidamada Yuhuuda & Warar kale

Caydiid Ali

(Sawirro) Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka Galmudug oo furmay, laguna ansixiyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---