Allbanaadir.com
NEWS

Midowga Yurub oo taageero cusub u balan-qaaday ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Taliye xigeenka Ciidamada Talyaaniga dhanka Hawl galada wadajirka ah iyo Saraakiil ka socoto EUTM Xafiiska Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo  Taliye xigeenka Ciidamada Talyaaniga  ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub siiso Ciidanka Xoogga Dalka

Kulanka ayaa ugu dambeyntii looga Hadlay Sidii loo Xoojin lahaa Tababarada iyo Qalabeynta Ciidanka xoogga dalka oo dagaal adag kula jira xoogaga hubeysan ee Al-shabaab.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah deeq bixiyeyaasha caalamiga ah ee sida ciidanka xoogga dalka uga taageera dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo caalamku u aqoonsan yahay urur argagxiso ah oo xiriir la leh ururweynaha Al-Qaacida.

Related posts

Taliyaha Ciidamada AMISOM oo booqday degaanka Dhoobley, lana kulmay.. (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Duqeymo culus oo ka dhacay degmooyin ay gacanta ku hayso Al-Shabaab

Caydiid Ali

Dowlada sheegtay in gacanta ku dhigtay sargaal katirsan Al Shabaab iyo dagaalyahano la socday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---