Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh & Charles Michel oo Brussels ku kulmay (Sawirro)

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Brussels kula kulmay Madaxwaynaha Golaha Midowga Yurub Mudane Charles Michel.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto ciribtirka Al-shabaab iyo iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhinacyada amniga, geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqan-dhaqaale ee bulshada.

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qaybgali doono shirka Midowga Yurub iyo wadamada soo koraya.

Madaxwaynaha ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedin doona madasha oo socon doonta inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023 sida lagu sheegay war ka soo baxay Villa Somalia.

Related posts

Islaan 90-sanno jir ah oo Shan maalin kaddib laga helay bur burka dhisomo dhul gariir ku dumay

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Baar Sanguuni

Cabdi Cade

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Eritrea oo is gacan qaaday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---