Dowladda Soomaaliya waxay ka shalay doonta siyaasadaheeda arrimaha gudaha oo habowga u horseedaya, taas oo ah tilaabada ay ku soo dhoweysatey maamul dhismihiisa dhiig ku daadanayo oo ka kooban qeybo ka mida Sool iyo Sanaag oo ah gobolo uu horay u sameeyey diktatoorkii dalka ku xukumayey kelitalisnimo mileteri, waxeyna ahayd ujeedada loo sameeyey goboladaas in qabiilada qaar loo sharciyeeyo dhulal ay sharci ahaan u leeyihiin, meesha qabiil kalana laga isir tirayey dhulalkooda ay degaan, lagana qixinayey degaanadooda ama inta ka soo hartay xasuuqa loogu geysanayo ciribtirkooda in lagu soo koobo dhul aad u yar oo ay ku noqdaan laangaab, iyadoo loo adeegsanayey gobolada cusub dadka looga soo gooyey iney la galaan dagaal ay dowladdu ku qorsheyneysey in ay dadkaas degaanadeeda uga ciribtirto oo ay u qixiso dhanka Itobiya, taas bedelkeedana ay deegaanadaas u soo guuriso qabiilo horay u degenaa dhulka Soomaaliyeed ee Itobiya ay heysato, sidaasna waxaa u muuqata ineysan shaki lahayn in maamulka cusub ee goboladaas laga dhisayo inuu yahay cudur cusub oo ku soo kordhaya dowladda Soomaaliya, weyna iska cadahay sida ay uga go’an tahay madaxda dowladda dhexe iney u aqoonsadaan maamulkaas cusub inuu yahay mid hoos yimaada qabiilka ka soo xoreystay maamul goboleedkii ay ka tirsanayeen oo ay dhiigooda ugu soo daadiyeen sidii ay uga soo go’ lahayeen maamul goboleedka ay sida sharciga ah uga tirsanaayeen, waxaana aan qarsooneyn in tilaabadaas ay qaaday dowladda ay u muuqato mid ay uga aargoosaneyso maamulada Somaliland iyo Puntland oo horay iyada uga harig furtay .
Dabinka ay ku dhacday dowladda Soomaaliya oo ah mid suurad xumeyneysa siyaasadaheeda arrimaha gudaha ayaa ah mida u horseedaysa in gobolo badan ay u fahmayaan iney tahay iney dhiig ku daadiyaan si ay u helaan si loogu aqoonsado maamul goboleedyo iskood u madaxbanaan, waxeyna kuwaas ay ka kala imanayaan kuwo ay ka midka yihiin Nugaal, Waqooyiga Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeelaha Hoose iyo kan dhexe, Banadir, iyo Gedo, waxeyna kuwaas noqonayaan maamul goboleedyo hoos yimaada qabiilada dhiiga ku xoreystay oo iskood uga soo goostay maamul goboleedyada ay sharci ahaan uga midka ahayeen, waxeyna taas ay meesha ka saareysaa ineysan dowladda Soomaaliya lahayn qorshe istratejiyadeed oo uga degsan siyaasadaheeda arrimaha gudaha, balse ay ku raaceyso qorshooyinka ay qabiiladu soo dejiyaan oo aan habraacyadoodu waxtarka badan u lahayn hanaanka dowladnimada, balse ay tahay qiil u helid in qabiilada qaar loogu xalaaleyo awooda ay ku maamulanayaan degaanadooda ama mudnaan gaara loogu siinayo kala sareysiinta iyo kala qeybinta dadweynaha Soomaaliyeed ee ku wada nool dhul weyne leh deegaan hal maamul goboleed, hasayeeshee waxaa dignin mudan in dowladda Soomaaliya ay si taxader leh u fiiriso haddii ay ku socoto habdhaqankaas waxa ka dhici kara Gobolka Galgaduud oo keliya oo ay isku dul saran yihiin 11 qabiil oo waaaweyn oo ka kooban 70meeyo jilibyo culusa oo mid walba uu jeclaan lahaa inuu iskiis u madaxbanaanaado maamul ahaan, kuwaas oo dhamaantood doonaya iney hoos yimaadaan qabiiladooda meesha ay ka hoos iman lahayeen awooda dowladda dhexe.
Somaliland iyo Puntland ayaa noqday maamulada aasaaskoodii hore ku dhismay qaab u abaabulan heshiisyo ay wada galeen qabiilada wada degen maamul goboleedyadaas, kuwaas oo ka dhigay qabiilka inuu saldhig u yahay awooda sare oo ay hoos imanayaan, taas bedelkeedana ay meesha ka saaraan iney si buuxda u hoos yimaadaan awooda dowladda dhexe, waxeyna labadaas maamul dowladeed ay sameysteen golaha Guurtida iyo marjaca isimada oo ay xalinta khilaafyadooda ay dib ugula noqdaan ama sharci ahaanshahooda ay ka ansixiyaan, waxeyna taas u ahayd cashir iney ka barataan madaxda dowladda Soomaaliyeed ineysan marna dhiirogelin dhismaha maamul cusub oo dhiig ay qabiil ku daadiyaan awgeed ay ku xalaaleystaan iney uga soo go’aan maamul goboleedka deegaankooda ka dhisan, haddana uu maamulkiisu hoos imanayo xukun ku dhisan awood qabiilkooda, waxaana marag ma doonto ah in aqoonsiga qaabkaas ku yimaada ay ka dhigeyso madaxda dowladda dhexe iney yihiin kuwo aragtidoodu tahay iney indho caadifeysan oo laablakaca ay ku cabireyaan u danqashada aragti beeleed oo lagu raali gelinayo qabiilada dhiiga ku soo xalaaleystay awooda maamulka ay xoogga ku soo diriqsadeen, waxeyna kuwaas aysan cidna shaki uga jirin iney raad raacayaan saanqaadka iyo santuurka ay ku dhaqmayaan maamulada Somaliland iyo Puntland oo si ka madaxbanaan dowladda Soomaaliya isku maamulaya, waxeyna qowmamo ku noqoneysaa tilaabada ay dowladda dhexe ku soo dhoweysey maamulka ay sameysanayaan qeybo ka mida Sool iyo Sanaag siyaasadaheeda arrimaha gudaha oo u muuqanaya mid dib u soo celinaysa sharci ahaanshaha 18 gobol oo ay sameysay dowladii kelitaliska ahayd, kuwaaas oo ahaa kuwo aan si xaqa isugu dhelitirin baahida ay dadweyanaha Soomaalida u wada qabeen dhismaha maamul goboleedyo yar yar.
Soomaaliya markii ay noqotay jamhuuriyad madaxbanaan 1960 ayaa waxey sameysatay 8 maamul goboleedyo waaweyn oo si toosa u hoos yimaada awooda dhexe ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka koobnaa: Waqooyi Galbeed, Togdheer, Majeerteenya, Mudug, Hiiraan, Banadir, Jubada Sare, iyo Jubada Hoose, waxeyna kala furfurka maamul goboleedyadaas waaweyn ay dowladdii mileteriga ahayd ay uga gol lahayd sidii ay qeybintooda loogu awood siin lahaa qabiilada qaar, taas oo looga dan lahaa sidii rayiga caalamka loogu qaldi lahaa qariidado lagu muujinayo in hal qabiil oo keliya ay dhulalka Soomaaliya inteeda ugu badan ay iska leeyihiin, waxeyna fikradaas aan saxda ahayn ay wehel qiil u ahayd sidii ay marmarsiyo maangala uga dhigi lahayeen in taalooyinka uu kalitaliyihii dhisay ay lahayeen ujeedooyin cadeymo looga dhigayey in dadkaas ay ka soo wada jeedeen hal beel oo keliya oo dalkaan dowladnimadiisa u soo halgamey, kuwaas oo ah kuwa iska leh tirada ugu badan dadka iyo deegaanada dalka, waxeyna dokumetiyo iyo qariirado laga helay burburkii dowladda mileteriga kadib oo ku suntan taariikhda 1985 ay xaqiijiyeen in la dejiyey qorshe ah in hal beel lagu soo ururinayo inta u dhexeysa Beledweyne iyo Xamar, inta kalana la qarameynayo oo la dhalanrogayo qabiilada ku nool goboladaas sida hadda ka horba uu Stalin ku sameeyey deegaano ka tirsan Sovietka si deegaanadaas loogu beero dadka ka soo jeeda Ruushka.
Dowladda Soomaaliya 2023 waxaa looga tacsiyadeynayaa tiiraanyada ay ku dhiiro gelineyso iney sameysmaan maamul goboleed ka kooban qeybo ka mida Sool iyo Sanaaag oo ujeedo qabyaladeed la isgu biirinayo, meesha ay qaadida tilaabadaas dhaawaceyso siyaasadaheeda arrimaha gudaha oo ahayd in Soomaaliya ay ka abuurmaan maamul goboleedyo waaweyn oo dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyso in dadkeedu heshiis ku wada yihiin ku wada noolaashaha maamulkooda, waxeyna u badan tahay in tilaabada ay dowladda dhexe ku muujisay u carab laalaadinta dhismaha maamulka qabyada ah ee Sool iyo Sanaag iney ku weyneyso taageerada dad badan oo ka aamin baxaya ineysan dowladda Soomaaliya ka shaqeyneyn dad iyo dal heshiisa oo nabad ku wada nool, sidaasna ay suurtogal ku noqoto fashil siyaasadeed oo ka dhasha siyaasadaha lagu hogaaminayo qorshooyinka lagu meelmarinayo waxqabadka arrimaha gudaha, waxeyna fashilka arrimaha gudaha ay soo dedejinaysa tan arrimaha dibedda oo ay u tahay muraayad cabireysa waxa ka dhaca gudaha iney tahay fariin dib ugu soo celinysa guuldarda siyaasadaha dibeda, waxaana dowladda la gudboon haddii ay dooneyso iney isbedel ku sameyso maamul goboleedyadeeda iney dib ugu celiso inuu dalku yeesho 8dii maamul goboleed oo la dhalatay madaxbanaanida Jamhuuriyada Soomaaliya, si kasta oo ay noqotaba waxaa muuqatey 1960 inaysan Soomaalidu u diyaarsaneyn fahamka iyo ku dhaqanka dowladnimada casriga ah, maanta oo aan joogno 2023na aan weli la gebi dhacleyneyno.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com