Allbanaadir.com
NEWS

Erdogan: “Xamaas ma’aha argagixiso ee waa koox xornimo doon ah”

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Xamaas aysan ahayn Argagixiso balse ay tahay koox xoreyn oo dagaal ugu jirta sidii ay dalkooda u xoreyn laheyd.

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay inuu joojiyay qorshe uu ku booqan lahaa Israa’iil taasoo qeyb ka ah siyaasadda dalkiisa ee ah inuu caadi ka dhigo xiriirka uu la leeyahay maamulka Yahuudda.

Waxa uu sheegay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu “si khaldan u isticmaalay awood Milateri uuna weerarkii Xamaas ku qaaday Israel marmarsiiyo uga dhigtay inuu geysto xasuuq bareer ah.

“Xamas ma aha urur argagixiso, waa koox u dagalameysa xoriyada dhulkooda iyo dadkeeda,” ayuu yiri hogaamiyaha Turkiga.

Mareykanka iyo dalalka la xulafada ah ayaa Xamaas  ku daray liiska kooxaha ay ugu yeeraan argagixisada.

Madaxweyne Erdogan oo lagu tiriyo hogaamiyeyaasha dalalka islaamka ee sida weyn uga hor yimaada siyaasadaha reer galbeedka ayaa lagu dhaleeceeyey inuusan wax ku filan ka qaban dhibaatada iyo xasuuqa ay israel ka wado Gaza.

Related posts

Dayuurad siday Ciidamo milateri ah oo gaartay degmada Guriceel (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Khilaafka dowladaha Masar iyo Itoobiya ee biyo-xireenka Nile oo sii xoogeystay kadib markii …

Cabdi Cade

Abiy Ahmed oo ka hadlay heshiiska dowladiisu la gashay falaagada TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---