Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta mar kale xukun dil ah ku riday dable xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey, oo lagu helay in dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.
Gacankudhiiglaha iyo marxuumka ayaa kawada tirsanaa Ururka 22aad guutada 23 aad ee ciidanka Gungaar, waxa uuna falkan dilka ah ka dhacay aargada degmada Deyniile ee gobolka Banaadir 20-kii bishii 7-aad ee sannadkan.
Dilka ayaa ka dhashay kaddib muran ka dhashay gaari dowladeed uu damacsanaa marxuumka in uu raacayo, eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa xabbad kaga dhuftay.
Garsoorka Maxkamdda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa 26-kii September ee sannadkan ku xukuntay dable xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed dil toogasha ah tasoo ah qisaasta marxuum ex dable xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.
Qareennada u doodaayay eedeysanaha ayaa 15-kii bishaan qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.
Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada afar iyo tobankii bishan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com