Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo qaaday tallaabo jawaab u ah hadalkii kasoo yeeray Antonio Guterres

Maamulka Israel ee xasuuqa kawada magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin ayaa si weyn uga carrooday hadal kasoo yeeray xoghayaha guud ee Qaramada Antonio Guterres, oo tilmaamay in shacabka Falastiin ay ku jiraan caburin iyo is difaac.

Antonio Guterres ayaa sheegay in weerarada Xamaas ee koonfurta Israa’iil aan meel cidlo ah laga soo qaadin, Falastiiniyiintuna ay ku jiraan muddo 56 sano ah wax uu ku tilmaamay qabsasho neef-qabatoomid leh.

Maamulka Isreal oo si weyn u dhibsaday hadalka kasoo yeeray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa qaaday tallaabooyin ay ku joojinayaan in dal ku galka Israel siiyaan saraakiisha Qaramada Midoobay.

Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Gilad Erdan, ayaa sheegay in durba fiisaha loo diiday ku-xigeenka xoghayaha arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobey Martin Griffiths, oo ku wajahnaa Israel.

Israel ayaa sheegtay in la gaaray xilligii cashar la bari lahaa saraakiisha Qaramada Midoobya, waxa ayna ugu baaqeen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in xilka si deg deg ah uga dego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Dufle: Cagaarshowgu waa cudur dhibaato weyn ku haya Caafimaadka Bulshada”

Caydiid Ali

Labo qarax oo laga maqlay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

(Sawirro) Deni oo kulankii ugu horeeyey la qaatay Golaha cusub ee Wasiirada Puntland

Caydiid Ali