Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse iyo Karin Johansson oo arrimo Muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay xoojinta taageerada ku aaddan dhinacyada amniga, xasillinta, horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Danjire Johansson ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageeradooda Soomaaliya, iyada oo intaa raacisay in xilligan Midowga Yurub kaalin muhiim ah ka qaadan doono barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis iskaashiga Difaaca iyo Amniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Zelensky oo sheegay in dalkiisa ay xaaladii ugu adkeyd ka heysato dagaalka Ruushka

Caydiid Ali

DF Somalia oo ku dhawaaqday canshuur dhaaf loo sameynayo raashiinka dalka la keeno.

Caydiid Ali