Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Weerar ku qaaday madaxda dalka kana horyimid go’aannadii golaha…

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi DeniĀ  oo maanta furay kalfadhiga 53-aad ee baarlamaanka maamulkaasi, ayaa jeediyay khudbad xasaasi ah uu uga hadlay arrimo kala duwan oo siyaasadda dalka iyo tan Puntland khuseeya.

Siciid Deni ayaa khudbada uu jeediyay ku weeraray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ugu sareysa , waxa uuna kahor yimid heshiisyadii ay gaareen madaxda golaha Wadatashiga Qaran ee Puntland ka maqneyd.

Waxa uu sheegay madaxweyne Deni in heshiiskii madasha wadatashiga Qaranka gaareen uu muujiyey sida ay madaxda Soomaaliya halis ugu horseedayaan dalka, kana tagayaan nidaamka Faderaalka ee heshiiska lagu ahaa.

Deni ayaa sheegay in wax ka bedelka Dastuurka sida khaldan lagu wado ay dhali karto halis weyn, waxa uuna si cad u diiday abuurida madaxweyne Kuxigeenka, lana tir tiro jagada raā€™isul wasaaraha oo ah awoodda labaad ee dalka.

Waxa uu sidoo kale madaxweynaha Puntland kahor yimid in la dhiso kaliya labo xisbi siyaasadeed, isagoona dhammaan arrimahaas ku tilmaamay in ay yihiin kuwa aan sharci darro ah ayna goā€™aan ka gaari karin dad tiro yar.

Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in danaha shaqsiga ah aan laga eegin xaalka Soomaaliya & goā€™aanada la qaadanayo, haddii layska saxiixo heshiisyo ayuu sheegay in ay dalka halis u horseedayaan.

 

ā€œMadashu maaha Hayā€™ad ama golle Dastuuri ah oo lagu gooyo goā€™aamada masiiriga ah ee dalka, dalku waa Federaal, wuxuu ka kooban yahay dawlad dhexe o aan sharuucdeeda lagu heshiin & dawlad gobaleed mid kastaaba deegaankaada haysato, oo iyadu ka talisaā€ ayuu yiri Siciid Deni.

Hadalka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa imaanaya xilli uu wali jiro khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kan Puntland, waxa ayna Puntland ka maqneyd shirarkii ugu dambeeyay ee golaha Wadatashiga oo go”aano laga soo saaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Kenya oo lala beegsaday qaraxyo khasaaro kala duwan uu kasoo gaaray

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay Howlgal qorsheesan oo lagu dilay 40 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland oo xilkii laga qaaday

Caydiid Ali