Yair Benjamin Netanyahu oo 32 jir ah waxa uu ku sugnaa magaalada Miami ee dalka Mareykanka tan iyo bishii April ee sanadkan, isagoo ku guul-daraystay inuu taageero u muujiyo aabihiisa oo ay xilligan ku faruuran yihiin dagaal iyo mucaaradkii ugu xumaa ee siyaasadeed.
Xilli loo yeeray 360,000 ee askarta kaydka ee Israel ayaa waxa uu mid ka mid ah ciiddankaasi oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ee waqooyiga Israel ayaa waxa uu RW Netanyahu weydiiyey: “Aaway Wiilkaada Yair ?”.
Askariga kaydka waxa uu sheegay inay iyaga ku jiraan dhufayska, halka uu wiilka ra’isul wasaaraha ee Yair B. Netanyahu dalxiis ku joogo xeebaha magaallada Miami ee dalka Maraykanka.
Sharciga Israel waxa uu dhigayaa in qof kasta oo Israeli ah uu ku biiro ciiddanka kaydka ilaa da’diisa ka gaarayso 40 sano, waxa uuna wiilka ra’isul wasaaraha Israel kamid yahay ciidanka keydka.
Si kastaba, Yair Benjamin oo ah curudka ra’isul wasaaraha Israel waxa tan iyo bishii March ee sannadkan laga mamnuucay inuu wax ku qoro baraha bulshada, kadib, markii xiisado ka dhasheen qoraalo uu daabacay.
W/T Ustaad Nuuradiin Abuukar
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com