Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in si weyn u dooneyso in dekadda iyaga u gaar ah ka helaan Soomaaliya, waxa ayna si gaar ah isha ugu hayaan dekadda Seylac ee kutaalla deegaannada maamulka Somaliland.
Madaxwayne ku xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba oggolaan doonin in dekad lagu qaato hab aan sharci ahayn.
Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay in qaabkii uu ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed uu soo hadal qaaday dekadda Saylac ay ahayd qaab ka duwan hababka loo galo heshiisyada caalamiga ah marka wax la kala qaadanayo.
Waxa uu sheegay madaxweyne kuxigeenka Somaliland in aysan marnaba diidaneyn in heshiis horumarin ah lagala galo dekadda Seylac ayna noqoto sida dekadda weyn ee magaalada Berbera.
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ku aadan damaca Itoobiya ee dekadda Saylac ay war kasoo saari doonaan madaxweyne Muuse Biixi iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com