Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Brussels iyo xog ku aadan Ujeedka Safarkiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Dr; Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaas oo uu kaga qayb geli doono shirka Midowga Yurub iyo waddamada soo koraya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaya uu kaga hadlayo xaalada Soomaaliya, shirkaas oo socon doona inta u dhexeysa 25-26 Oktoobar 2023.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ku faah-faahin doona halka uu haatan dalka marayo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab, waxa uuna madaxda shirka ka qeyb galeysa ka codsan doonaan taageero.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in sidoo kale kulan duceedyo la qaato qaar kamid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka ka furmaya  magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jabhada ONLF oo Jigjiga ka soo saartay go’aan ka farxiyey shacabka taageera

Caydiid Ali

Soomaaliya xiligan Ma Waxay Haysaa Dhabbihii Afghanistan oo kale? (Wax badan Ka Ogow)

Cabdi Cade

Puntland oo bedelaysa taatikada ay kula dagaalanto Al-shabaab iyo Guddoomiye Mursal oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---