Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Danab ee diidan madaxweyne Deni oo kahor yimid muddo kororsiga la sameeyay

Ciidamada mucaaradka ku ah madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hor-yimid warqadii kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee lagu shaaciyay waqtiga doorashada dhaceyso iyo muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Deni.

Qoraal ay soo saareen ciidamada Danab ee Puntland ayaa lagu cambaareeyay warqadii kasoo baxay guddiga doorashooyinka Puntland, waxa ayna warqadaasi ku tilmaameen mid dastuurka baalmarsan oo muddo kordhin sharci darro ah loogu sameeyay Deni.

Ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland ayaa sidoo kale ka digay maamulka Puntland galo xaalad hubanti la’aan ah, waxa ayna ku baaqeen in la dhowro nabadda iyo xasillooni ka jirta Puntland doorashadana ku qabsoonto xilligeeda rasmiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu jabiyay Qodob Dastuuri ah oo halis keeni karta

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo kala jabay Xasan Kheyre iyo Xasan Sheekh oo Isbaheysi cusub…

Cabdi Cade

Madaxweyne Puntin oo ka hadlay bartilmaameedka gantaalo culus oo lagu garaacay Kyiv

Cabdi Cade
Taboola Ads ---