Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo oo ay weheliyaan kuxigeenkiisa , guddoomiyaha Golaha Dhexe, xubno ka tirsan golaha fulinta iyo golaha dhexe ayaa maanta booqday furimaha hore ay joogaan ciiddamada maamulka SSC-Khaatumo.
Firdhiye ayaa ciidammada ku bogaadiyey guushii weynayd ee ay soo hooyeen, jabkii cuslaa iyo casharkii lama illaawaanka ahaa ee ay u dhigeen ciidamada Soomaliland. Sidoo kale waxa uu ciidamada u sheegay in Eebbe ka sokow iyagu yihiin sababta ay shacabka SSC-Khaatumo ugu naaloonayaan xasillooni, nabad, iyo is-maamul.
Hoggaamiyaha, ayaa ciidamada faray in ay difaaca adkeeyaan, kuna sugnaadaan halkooda, marnaba aysan weerar ku noqon cid kale. Dhanka kale Hoggaamiyaha ayaa xusay in haddii la soo weeraro ay ciidanka amar buuxa u haystaan in ay cashar kale u dhigaan cadawga, islamarkaana ku sameeyaan hub ka dhigis dhammaystiran.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa ciidammada kula dardaarmay in ay xoojiyaan waajibaadkooda una gutaan si ay ku jirto daacadnimo, waddaniyad iyo xaq u dirirnimo, isagoona xusay in ciiddanka SSC-Khaatumo yihiin ilaaliyeyaasha sharafta iyo midnimada reer SSC-Khaatumo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com