Ciidamada Israel ayaa warqado ku qoran afka Carabiga ku daadiyay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ay warqadahaasi shacabka uga codsanayeen in ay siiyaan xogta dadka u afduuban kooxda Xamaas iyo halka ay ku hayaan.
Shacabka magaalada Gaza ayaana iska diiday dalabka ciidamada Israel , waxa ayna cadeeyeen in aysan marnaba siin doonin xogta dadka Israa’iiliyiinta ah ee afduub ahaanta u heestaan Xamaas.
“Waxba nagama qusayso, samee wax kasta oo aad rabto [Raysalwasaaraha Israa’iil Netanyahu], dhammaanteena dadka Qaza jooga waxaan kuu sheegaynaa, waanu iska caabinaynaa, bari ilaa galbeed,” ayuu yiri mid kamid ah dadka Gaza.
Waxa uu intaa ku daray ”haddii ay rabaan inay na duqeeyaan, waxaa laga yaabaa inay sidoo kale nagu qarxiyaan inta aan halkan joogno, kama tagi doono,ma barakici doonno, lamana guurin doono, waxaan weynay guryaheenna iyo nafteenna.
Kooxda Xamaas ayaa magaalada Gaza afduub ahaan ugu heesta dad ka badan 200-qof oo Israa’iiliyiin ah, dadkan ayaana kooxda ku heysaan goobo qarsoodi ah oo katirsan magaalada Gaza.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com