Allbanaadir.com
NEWS

Buundo cusub oo laga dhisay Muqdisho oo maanta xarigga laga jaray (Sawirro)

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarig jaray buundada cusub ee laga hirgaliyay waddada 20-October ee degmada Waabari.

Buundadan cusub ee laga dhisay magaalada Muqdisho ayaa loogu magacdaray Badbaadada caruurta iyo ardayda, waxaana loogu tala galay in ay adeegsadaan ardayda dhigata iskuulka 21-ka October.

Xarigjarkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee gobolka Banaadir , maamulka degmada iyo maamulka shirkada Hormuud po gacan weyn ka geesatay hir-galinta buundadan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in maamulka gobolka uu ahmiyad gaar ah siinayo dhismaha wadooyinka Caasimadda iyo buundooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo burburisay dhismihii lagu dilay Sinwar (Sawirro)

Caydiid Ali

Jeneraal Biixi ”Walaahi Askarigii Qof Shacab ah Xabad ku rida waxaan geyneynaa Tiirka ”

Cabdi Cade

Imitixaankii ugu yaabka badnaa oo lagu qabtay Machad ku yaalla dalka India (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---