Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Hargeysa kusoo qabtay askari katirsanaa booliiska oo xalay dil u geestay qof shacab ah iyo nin kale oo gacan siinayay gacankudhiiglaha.
War kasoo baxay taliska booliiska maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka gacanta kusoo dhigeen Dable C/raxmaan ibraahin Aadan oo xalay dil bareer ah magaalada Hargeysa ugu geestay Marxuum Mustafe ibraahin Aadan.
”Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Edeysane Dable C/raxmaan ibraahin Aadan ina Saynab Maxamed 21jir oo ku eedaysan inuu xalay Abaarro 8:20 habeenimo Xaafadda Baddacas ku dilay Marxuum Mustafe ibraahin Aadan ina Koos Aadan 33 jira, Ciidanka Booliska ayaa hawlgal iyo dedaal ay sameeyeen saaka subaxnimadii gacanta kusoo dhigay eedeysanahan , waxaana lagu soo qabtay Deegaanka Aw-barkhadle ee bariga Magaalada Hargaysa isagoo hubkiisa wata markii Ciidanka Boolisku hareeriyeenna is dhiibay , waxaanu hadda ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska , iyadoo si degdeg u horgeyn doonno Sharciga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.
Booliiska Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen eedaysane Maxamed Baashe Muuse, oo kamid ahaa xubnihii la socday oo ku eedaysan ina gacan siiyeen eedaysanahan dilka gaystya ,waxa ay sidoo kale booliiska raadinayaan labo nin oo kale oo baxsad ku jira.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com